Sawirro cusub: Xaalka caafimaad ee R/Wasaare ku-xigeenka SOMALIA kadib dhaawacii gaaray

Muqdisho (Caasimada Online ) – Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte, ayaa iminka u muuqda mid ka bogsaday waxyeeladii kasoo gaartay Qaraxyaadii mataanaha ahaa ee ka dhacay Centeral Hotel ee Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cumar Carte, oo weli ku sugan Magaalada Istanbuul ee Dalkaasi Turkiga, ayaa waxa uu halkaasi kulan muhiim ah kula qaatay dhigiisa Turkiga Numan Kurtulus iyo xubno ka tirsa Dowladaasi turkiga. Sawirrada laga soo qaaday kullanka ayaa muujinaya in Cumar Carte uu si buuxda uga bogsooday dhaawacii soo gaaray.

Kulanka Labada Mas’uul ayaa ahaa mid ku saleysnaa xiriirka labada dal Somalia iyo Turkiga, waxa uu Carte dhigiisa hordhigay sida ugu sahlan oo ay kusii xoojin lahaayen xariga Siyaasadeed ee u dhexeeya labada dal, waxaana codsigaasi si diiran usoo dhaweeyay Numan Kurtulus.

Maxamed Cumar Carte, ayaa Dowlada Turkiga uga mahadceliyay sida ay taageerada ula garabtaagan tahay DF Somalia, waxa uuna dhankiisa ka balanqaaday inuu xoojin doono kaalinta kaga aadan sii socoshada xiriirka.

Ugu dambeyntii, kulanka oo ahaa mid uu Maxamed Cumar Carte ku muujinaayay in dhibaatooyinka kasoo gaaray Qaraxyada uusan uga fadhiisan doonin Siyaasada dalka, ayaa waxa uu shirka kusoo idlaaaday sidii loogu tala galay, waxaana la filayaa in Maxamed Cumar Carte in dib ugu soo laaban doono dalkiisa hooyo.
1

2

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com