Aqoonyahaan Seddex arrin kusoo koobay waxa uu salka ku hayo khilaafka Gobollada Dhexe !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahaan Pro. Yaxye Cali Ibraahim, ayaa aragti ka bixiyay waxa keenay khilaafka ka taagan halka lagu qabanayo Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud, taasi oo ay ku kala qeybsan yihiin dowladda iyo Odayaasha Dhuusamareeb.

Yaxye Cali, ayaa sheegay in wax la isku hayo ay tahay, sadex arrimood oo kala ah buu yiri, halka noqoneysa Xarunta Maamulka iyo cida noqoneyso Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen.

Aqoonyahaanka ayaa sheegay in hadii aan xal laga gaarin khilaafkaan ay dhici karto in Labo Maamul looga kala dhawaaqo Dhuusamareeb iyo Cadaado si la mid ah Maamulkii Koofur galbeed.

Sidoo kale aqoonyahanka ayaa sheegay in aqoonyahano badan ay qabaan in gobolada dhexe ee dalka ay kasoo baxaan ku dhawaad 6 madaxweyne, taasi oo keenikarta khilaaf cusub oo ka dhasha gobolada dhexe ee dalka.

Prof Yaxye, ayaa cadeeyay in khilaaf ka dhasha madaxweynayaal kala duwan oo is magacaaba lagu yaqaano gobolada dalka Soomaaliya, isaga oo tusaalo ku sheegay Koofur galbeed iyo maamulka Jubba.

Shacabka gobolada dhexe ayaa isku heysta halka noqoneyso caasimada maamulka la doonayo in loo sameeyo goboladaasi, waxaana caqabad kale ay ka imaan doontaa qaabka wax loo qeybsanayo maadaama beelo badan ay dagaan Galgaduud iyo Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com