Tarsan “Aniga & Muungaab qaab qaldan ayaan xilka maamulka gobolka Banaadir ku qabanay

Muqdisho (Caasimada Online ) – Iyadoo ay dadka Magaalada Muqdisho isla dhexmarayaan in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab lagu sameynaayo Xil ka qaadis ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmd Nuur Tarsan.

Tarsan ayaa sheegay in Siyaasada dalka ay u socto qaab aan munaasab aheyn, waxa uuna sheegay in DF Somalia looga baahan yaha in Duqa magaalada iyo Gudoomiyaha Gobolka ay ku imaadan qaab doorasho.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Duqa Muqdisho hadii lasoo magacaabo sida Mungaab waxa uu ka shaqeynayaa masaalixdiisa iyo masaalixda cida soo magacaawday lakiin hadii uu doorasho ku yimaado waxa uu ka shaqeynayaa danta Shacabka”

‘’Aragti ahaan aniga iyo mungaab waxan ku imaanay qaab qaldan, Xassan Sheekh waxaa laga rabaa in xilka Gobolka uu u bedelo qaab doorasho, hadii taasi lawaayo micnuhu waxa uu arrinku noqonayaa Siyaasad hoos iska taabad ku jirto’’
Waxa uu tilmaamay in Mungaab uusan walwal ku heynin in xilka laga qaado balse ay muhiim tahay in la saxo qaladaadka jira.

Waxa uu sheegay in hadda Magaalada Muqdisho ay ka dhici karto Doorasho isaga oo tusaale usoo qaatay Degmooyinka Xamarweyne, Waabari, Shingaani iyo Xamar jajab oo uu sheegay inay Nabad yihiin.
Dhanka kale, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xassan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in marka la gaaro 2016 ay dhacdo doorashada Gobolka Banaadir

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com