Xaalada Dhuusomareeb oo jawi cusub gashay

Galgaduud (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay Banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan dadka ku dhaqan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in  banaanbaxyada ay sameynayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, iyaga oo kasoo horjeeda in shirka maamul u sameynta uu ka dhaco Cadaado.

Dadka qaarkood ayaa la sheegayaa iney gubayaan taayarada gadiidka, waxaana ay doonayaan in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamadii adkeynayay amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaa bilaabay iney rasaas ku kala eryadaan dadka banaanaxa dhigaya oo diidan in shirka lagu qabto magaalada Cadaado.

Arinta banaanbaxa ayaa soo ifbaxday kadib markii dadka si hoose loogu wargeliyay in shirka lagu qabanayo magaalada Cadaado, kadib markii ay kala jabeen beelaha doonayay in shirka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.

Banaanbaxa ayaa kusoo aaday iyada oo maanta laga filayo in magaalada uu tago madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com