Xog: Heshiiskii la qariyey ee Gaas iyo Madoobe iyo qorshihii loo gudbiyey danjire Nicholas Kay

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubba C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa u gudbiyey Ergeyga wakiilka uga ah Q/Midoobay Soomaaliya Nicholos Key Go’aanno ay labbadooda ku wada gaareen shirkii ay Kismaayo ku yeesheen.

Mid ka mid ah saraakiishii kulankaasi ka qeybgashay oo ka gaabsaday magaciisa, waxaa laga soo xigtay in Gaas iyo Madoobe ay soo jeediyeen in doorashada lagu wado in Soomaaliya ay ka dhacdo 2016 aan dib loo dhigin, isla markaana Soomaaliya loo sameeyo nidaamka Madaxweynaha keliya uu awooda la yeeyahay, oo aan loo baahan R/wasaare in la magacaabo.

Sarkaalka xogta soo gudbiyey wuxuu sheegay in labadda Madaxweyne isla jeexjeexeen sidii ay mowqif qura uga wada qaadan lahaayeen dhacdooyinka siyaasadeed ee dalka; gaar ahaan arrimaha Gobolada dhexe, awood qeybsiga Dowladda dhexe iyo qaabka ay u wajahayaan doorashada lagu wado in ay dhacdo 2016, waxaanna ay qalinka ku wada duugeen Go’aanno ay ka mid ahaayeen:

1 – Puntland iyo Jubba in ay ka wada shaqeeyaan sidii gobollada koonfurta iyo bartamaha aysan u degi lahayn; ujeeddada laga leeyahayna ay tahay in dhulkaasi aanu degin.

2 – In Puntland ay gacan ka siiso Axmed Madoobe isir sifeynta uu ka wado Kismaayo; ciddii ka hadasha na meel looga soo wada jeesto.

3 – In Shariif Xassan oo madax ka ah Mamulka K/Galbeed ee Soomaaliya laga dhaadhiciyo in ay iska garabsadaan qeybsiga awooda Dowladda mustaqbalka loo dhisi doono Soomaaliya; loona balanqaado in loo soo dhiciyo xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka; taa bedelkeeda ay isku raacaan Dowlad leh hal Madaxweyne.

Qorshe siyaasadeedka ay Kismaayo ku gaareen Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas waxaa ka mid ah, si ay u gaaraan itijaahooda siyaasadeed in ay dhiirageliyaan colaada beelaha K/Galbeed, Muqdisho iyo Gobolada dhexe, colaaduna ay joogto ahaato marka la isku baaba’o la yiraa waxaa loo baahan yahay meel ay Dowladdi ku shaqeyn karto oo Dowladda farriisin looga dhigo, halkaasina ay noqoto Garoowe, Boosaaso iyo Kismaayo-na ay noqdaan Magaalooyinka ganacsiga, qorshahaasi waxaa ku taageeri doono dalalka Itoobiya iyo Kenya oo xulufo la ah madaxda labbadaasi maamul goboleed.

Madaxda maamuladaas ayaa waxaa la gudboon in ay garowsadaan in xalka Soomaaliya aanu ku jirin in koox kastaahi si ay ku gaarto danaheeda siyaasadeed ay isu duleyso cadow weligii ku haminayey sidii uu Soomaaliya u liqi lahaa, kana shaqeyso majaxaabinta beelo ama shaqsiyaad ay tuhmeyso in ay caqabad ku yihiin gaarista himiladooda.

Soomaali meel kasta oo ay joogta waxaa la gudboon in ay ka fogaadaan kooxeysiga iyo qabiileysiga dhalanteedka ku dhisan, ayna ogaadaan in Soomaali oo dhan ay yihiin hal qabiil oo isku dan ah, cadowga keliya ay leeyihiinna ay meel uga soo wada jeestaan.

Haddii aaney sidaa yeelin waxaa xaqiiqo ah in lagula dhaqmi doono qiddada uu cadowgooda u jeexay ee ah in maalin ba uu mid boqro, kan kalena ku burburiyo ilaa ugu dambeyntii dadkii uu ka soo reebo dad 95% wada camiilo ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com