25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

BAHDIL: ODAWAA oo bannaanka looga saaray kulan u dhexeeyay R/W CC & ugaasyada Hiiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan hordhac ah oo dhexmaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali iyo Ugaasyada Beelaha Xawaadle iyo Gaal-jecel, kuwaasi oo qaba tabashada ugu badan.

Kulanka ayaa waxaa la sheegayaa inay banaan joog ka ahaayen dhammaan xubnihii Ra’isul wasaaraha ku wehlinaayay socdaalka, kadib markii Ugaasyadu ay ka biyo diiden in kulanka hore uu noqdo mid caam ah.

Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xassan Ugaas Khaalif Ugaas Rooble, ayaa sheegay in markii dib loo raaco tabashooyinka Beesha iyo Beelaha kale ee daga Gobolka Hiiraan aysan ku filneyn la kulanka Ra’isul wasaaraha iyo Wasiiro, waxa uuna Ugaaska sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aad uga didsan yahay in arrimahaani taagan uu kala hadlo misna uu la fadhiisto Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odawaa.

Ugaaska Xawaadle waxa uu tilmaamay in muranka iyo khilaafka ugu badan uu ka taagan yahay in Madaxtooyada iyo Wasaarada arrimaha gudaha ay si cad ula safatay Beelaha dega Gobolka Sh/Dhexe iyo in marnaba reer Hiiraan aysan aqbali doonin in Xassan Sheekh uu Beelaha dega Hiiraan sandulo uga dhigo inay garab istaagan Xildhibaan Faarax C/qaadir oo lagu xanto inuu adeege u yahay Dowlada Ethiopia.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Ugaasyada kulanka koowaad la qaatay Ra’isul wasaaraha dalka banaanka looga saaray Xubno uu kamid ahaa Wasiir Odawaa, kadib markii lagu raali galiyay inuu ka qeybqaadan karo wixii ka danbeeya kulanka koowaas.

Geesta kale, waxaa lagu wadaa in maanta lasii ambaqaado kulanka labaad, kaasi oo loo badinaayo in maanta diirada lagu saari doono arrinta muranka badan dhalisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News