Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Bahrain ayaa shaki galisay in Madaxweynaha Turkiga Rajap Dayib Erdogan ay daacad ka tahay dhex dhexaadinta xiisada Sacuudiga iyo Qadar.
Bahrain waxa ay sheegtay in Madaxweynaha Turkiga uu waxbadan ka ogaa bilowga xiisada, isla markaana arrinkaasi ay horay uga wadahadleen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Wasiirka arrimaha Dibadda Bahrain oo la hadlay saxaafada maxaliga ayaa sheegay in ujeedka booqashada Erdogan ee dalka Mareykanka ay aheyd mid la xiriirtay xiisada uu abaabulaayay Donald Trump.
Wasiirka waxa uu sheegay in dowlada Erdogan aysan dhex dhexaad ka aheyn xiisada Sacuudiga iyo Qadar, waxa uuna cadeeyay in Turkiga ay u janjeerto dhanka Qadar.
Nuqul kamid ah ayaa waxaa lagu yiri ”Waxaa muuqaneysa in dowlada Turkiga ay ku dhex luudeyso xalinta labada dal, waxaan aragnaa inay u janjeeran Qadar oo ku eedeysan argagixiso taageernimo”
Dowlada Bahrain waxa ay sidoo kale ka digtay in dowlada Turkiga ay siyaabo kala uga faa’iideysato xiisada jirta, waxa ayna bidhaamisay inaanu jirin sabab xiligaani Qadar loogu diro ciidamo Turkian ah.
Dhinaca kale, waxaa sii xoogeysanaaya xiisada ka dhex aloosan Sacuudiga iyo Qadar oo u muuqata mid laga sii deyrinaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com