Bal adba ii sheeg waxa JABUUTI lagu qooshayo!

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo ayaa August 2019 ku tegay dalka Jabuuti booqasho hawleed. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo ka warbixiyay kulankii labada madaxweyne dhexmaray ayaa yiri, “waxay isla lafogureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka,” (Sonna – August 19, 2019).

Halkaas waxaa ka dhashay su’aal ah, maxaa isku soo beegay safarka degdegta ahaa ee Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Jabuuti, iyo imaanshahii Muqdisho wafdigii muhiimka ahaa ee uu hoggaaminayay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Qadar!

Inta uu Madaxweyne Farmaajo joogay dalka Jabuuti, Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Qatar waxay wada saxiixdeen heshiiskii ugu muhimsanaa tan iyo inta ay jirtay xukuumadda Farmaajo-Keyre.

Dalka Qadar wuxuu ballan qaaday inuu ka dhisayo deked casri ah magaaladda Hobyo ee Maamul-Goboleedka Galmudug. Dhammaan dhaqaalaha ku baxaya dhismaha dekeddaas, waxaa la sheegay inuu yahay deeq walaal. Taasi waxay astaan cusub u tahay in Qatar ay qorsheyneyso inay door firfircoon ka ciyaarto isdhexgelka dhaqaale geeska Afrika, gaar ahaan kan Soomaaliya.

Intaba waxaa ka sii cajiib badan, in Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu isna booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Jabuuti. Su’aasha waxay isu rogtay, muxuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Jabuuti ku qooshayaa?

Labada safar waxaa u dhexeyay wax ka yar seddax todobaad, haddaba maxaa xiriir ahoo ka dhaxeeya booqashada, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo midda Mudane Muuse Biixi Cabdi?

Dhanka kale, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa magaaladda Mina ee dalka Sucuudiga, kula kulmeen Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wasiiro ka tirsan maamulkiisa.

Labada wafdi waxay casumaad ka heleen Boqorka Sacuudiga Salmaan binu Cabdullcaziiz Al Sacuud. Haddaba, kulanka wafuuda labada dhinac ma mid si kadis ah ku dhacaybaa mise wuxuu ahaa mid hore loo qorsheeyay?

Booqashada madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxay timid kadib markii dowladda Sacuudiga ogolaatay in sanadkan moosinka Xajka, xoolaha ka soo dhoofa dekedda Berbera laga qaado xayiraadii saarnayd. Arrintaas, waxaa heshiis is-afgarad ka yeeshay dowladda, Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Weliba, casuumadda Mudane Biixi iyo wafdigiisuba waxay timid ka gadaal markii Muuse Biixi uu kala soo laabtay Abu Dhabi caloolgubyo la xiriirta in Somaliland aan laga marti qaadin shirkii amniga badda cas.

Geesta kale, maamulka Somaliland waxuu sheegay in shiidaal ganacsi ah kala soo degi doonaan dekedda Berbera laga bilaabo bisha Oktoobar, islamarkaasna laga iibin doono ganacsatada. Sidaas waxaa sheegay Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, Mudane Xassan Axmed Ibrahim -Embassy, (BBC Somali News – September 08, 2019).

“Inkastoo Mudane Xassan Embassy uu sheegay shiidaalka inuu yahay mid ay maamulka Somaliland soo iibsadeen, misna meesha lagama saari karo inuu yahay deeq Sacuudiga siiyay Somaliland, marka la eego awoodda dhaqaalaha maamulka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee boqortooyada Sacuudiga,” sidaas waxaa rumaysan Cigaal Yare oo falanqeeya siyaasadda gobolka.

Waxaan sir ahayn in Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carbabta xiriirkoodda madmadow soo galay, marka ay timaado arrimaha dalka Yemen. Taasi waxay sababtay in labada dal ay isku aragti ka noqon waayaan siyaasadda lagu wajahayo dalalka dhaca Bada Cas, oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Khabiirada siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin, “in Boqortooyada Sacuudiga, doonayso inay Soomaliya (Somaliland) u adeegsato aalad cadaadis ah oo lagu xakamadeynayo saameynta Imaaraadka Carbabta ku leeyahay gobolka. Waxuuna Sacuudiga ka faa’iidaysanayaa xiriirka aan wanaagsanayn ee kala dhaxeeya Imaaraadka, dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.”

Ifafaalaha muuqda waxuu tilmaamayaa in Sacuudiga danaynayo Soomaaliya, gaar ahaan dekedda Berbera. Waxaase la hubin habka uu u doonayo inuu meesha kaga saaro (eryo) Imaaraadka Carbabta, kol haddii uu ku tuhmayo khiyaano. War laga soo xigtay laba ilood oo Yamini ah, iyo mid kale oo kulanka wax ka og ayaa yiri, “Boqorka ayaa xanaaqiisa ka muuqday wada hadaladii uu la yeeshay Madaxwyne Abd-Rabbu Mansour Hadi ee ay Sacuudiga taageeraan,” (Reuters – August 28, 2019).

Dekedda Hobyo ee uu ballan qaaday dalka Qadar inuu si casri oo weliba deeq ah ku dhisayo waxay huwan tahay labo ujeeddo oo kala ah: (B) mahadnaq ku aadan in dowladda Soomaaliya aysan u nuglaanin cadaadiskii ay saartay Imaaraadka Carabta, si xiriirka loogu jaro dalka Qatar, iyo (T) in maamuladda Somaliland iyo Puntland la tuso in maalgashi la heli karo, ayadoo aan la xaraashin dekaddaha, deeqna laga heli karo dunidda.

Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah, sideebay Soomaaliya uga badbaadi doontaa hertinta iyo haraatinta (hagardaamaynta) Abu Dhabi, islamarkaasna uga faa’iidaysan doontaa isbaacsiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ilaalsaneysa masaalixdeeda qaranka.

W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid