Hab awood qeybsi ay soo jeedisay beesha Sacad oo khilaaf ka abuuray shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dood kulul oo xoog leh ayaa hareeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, sida ay noo sheegeyn xubno ka tirsan guddiga qaban qaabada Shirka.

Beelaha Soomaaliyeed ee ku kulansan shirka ayaa soo bandhigaya tabashooyin badan oo dhaxdooda ah iyo sidoo kale muran ka taagan nidaamka awood qaybsiga Galmudug oo beelaha qaar tabasho ka qabaan.

Beesha Sacad ayaa markii labaad soo jeedisay in awood qaybsiga Galmudug laga dhigo labada gobal ee Mudug iyo Galgaduud ee uu ka kooban yahay maamulkaasi.

Talo soo jeedin ay sameeyeen ayey ku sheegeen in ay doonayaan in Galmudug awood qaybsigeeda laga dhigo labada gobal ayna ku xaqiran yihiin.

Soo jeedinta beesha Sacad ayaa keentay in doodo kulul ay ka bilaawdaan shirka maadaama gobalka Mudug uu gaar u yahay beeshaasi, markii laga reebo beelo kooban oo la daga.

Shirka ayaa lagu wadaa in Isbuuc gudihiis lagu soo xiro islamarkaana laga soo saaro War-murtiyeed sida uu qorshuhu yahay.

Guddiga Shirka ayaa doonaya in deg deg loo dhameeyo lagana soo saaro War-murtiyeed, si loo dhameeyo howlaha kale ee horyaala maamulka iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com