Waxgarad FARMAAJO ugu tagay sii deynta JANAN oo niyad jab kala soo laabtay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaal iyo waxgarad muddo todobaad ah u joogay Magaalada Muqdisho sii deynta Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo Shalay dib ugu laabtay Gobolka Gedo gaar ahaan Magaalada Doolow  ayaa waxay sheegeen in natiijo ay kasoo bixi weyday dadaalkii ay ku doonayeen inay kusoo daayaan Cabdirashiid Janan.

Odayaasha ayaa xusay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ula dhaqmay si baal marsan sharciga iyo Dhaqanka sida ay warka u dhigeen.

“ Waxaan aheyn odayaashii Berri haddii la xiro Farmaajo u doodi lahaa oo dhihi lahaa maxaad ku heysataan, wuuna naga soo diiday inuu sii daayo Wasiirka, mana rabno inaan banaanka usoo bixino wixii aan kala soo kulanay ” ayuu yiri mid kamid ah Odayaashii Farmaajo u tagay oo saxaafadda la hadlay.

Odayaasha ayaa xusay inuu Madaxweyne Farmaajo ka diiday ergeyntii ay wadeen, waxayna Xariga Wasiir Janaan ku tilmaameyn mid xaq darro ah.

Sidoo kale Odayaasha ayaa sheegay inuu Madaxweynaha u sheegay inaan wax dambi ah lagu heyn Wasiirka balse xoog lagu heysto.

“Madaxweynaha wuxuu noo sheegay inaysan jirin dambi lagu hayo Wasiirka, haddii ay sidaas tahay waxaa lagu heystaa Xoog” Ayuu yiri mid kale oo kamid ah Odayaasha.

“Waxaan Madaxweynaha uga imaanay meel fog, waxaana aheyn odayaal badan oo miisaan leh balse niyad jab ayaan kala soo laabanay Muqdisho” ayuu sii raaciyey.

Hadalka kasoo baxay Odayaasha ayaa imaanayo Xilli Dowladda Soomaaliya ay dhawaan sheegtay in Wasiirka loo heysto dambiyo waaweyn lana soo taagi doono Maxkamadda.

Sidoo kale Amnesty International ayaa soo dhaweysay Xariga Wasiir Janan waxayna ku baaqday in si deg deg ah Cadaaladda loo horkeeno.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna Xariga Wasiir Janan ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com