Baladweyne oo la fashiliyay qarax la doonayay in lagu weerraro AMISOM

Baladweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiran ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay fashilyeen weerar is-qarxin oo lagu weerari lahaa fadhiisin ay joogeen.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Baladweyne oo saakay la hadlay Idaacadaha maxaliga ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen ninkii maleegayay falka sidoo kale wuxuu sheegay in ay baxsadeen afar qof oo la jiray.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gacanta ku soo dhigeen wax-yaabihii la qarxin lahaa iyo hub kale.

Magaalada waxaa saakay ka socda howlgalo ballaaran oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM in kastoo aan la soo sheegin wax saameen ah oo ay ku yeesheen howlihii caadiga ah ee magaalada, waxaa furan goobaha waxbarashada iyo goobaha dukaamada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka hortagaan weerar la rabay in lagu qaado xarumaha ay joogaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho