26.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Ballan-qaad culus: M/weyne Xasan, Sanad kadib magalada Muqdisho..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sameeyey ballanqaadkii ugu xogga badnaa uguna muhiimsanaa, tan iyo markii xilka loo doortay, muddo iminka sanad laga joogo.

Madaxweyne Xasan waxa uu wacad ku maray in adeegga caafimaad ee magaalada Muqdisho, sanadka soo socdo uu noqon doono mid la mid ah dalalka horumary.

Khudbad uu waxqabadkiisa sanadka ahaa oo uu ka hor jeediyey Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayuu arrintaas ku xusay inkasta oo uu qiray inay jiraan caqabado badan oo looga soo gudbay.

“Sanad kadib ma jiri doonto in dad xanuunsan baahi caafimaad darteed dibedaha loogu qaado. Muqdisho ayaa qof kasta uu ka heli doonaa adeeggii caafimaad ee uu u doonan lahaa dibedda” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale qiray in dowladdiisa aysan qaban wax walba oo ay dadka ka filayeen dhammaantood.

“Waa arrin cad oo aan ka sheegayo halkaan in wax badan aysan dawladeyda sameyn, laakiin waxa ku dadaali doonaa sida nabada ahayd ee la igu soo doortay inan uga tago xafiiska, waxaana isku dayi doonaa hourmar in sanadka soo socda inan gaarno” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News