Maxaa Maanta Kismaayo ka cusub?

Muqdisho (Caasimada online) Maamulka KMG ah ee Jubba ee ka arimya Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maanta wuxuu faah faahin ka Bixiyay howlgalo ka soconayay magaaladaas , kuwaas oo sameyn ku yeeshay isku socodka gadiidka iyo shacabka iyo waliba isgaarsiinta magaalada.

C/lahi Sheekh Cabdi Yuusuf (Khaldaan oo ka mid ah Saraakiisha Maamulkaas oo maanta Saxaafadda kula hadlay Kismaayo ayaa qiray in Isgaarsiinta Magaalada Xarunta u ah gobolka Jubbdaha Hoose ee Kismaayo ay maanta Hawada ka saareen , waxaase uu ku micneeyay arintaas Xaqiiji dhanka amniga magaalada ah .

Wuxuu sheegay kadib baaritaano ay sameeyeen in haatan xaalku  uu yahay mid degan Amniga magaalada uu yahay mid la isku haleyn karo waxaana uu tilmaamay in Baaritaanada iyo howlgaladaas ay kaga gol leeyihiin in amniga Kisnayo uu ahaado mid la isku hubo isla-markaana ay gaareeen ujeedkaas.

C/lahi Sheekh, Ayaa shaaca ka in haatan ay hawada dib ay ugu soo celiyeen isgaarsiintii ay ka saareen , waxaana uu shaaciyay in haatan adeegyadii magaalada ay iminka ay dib ugu soo laabatay magaalada.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana siyaasiyiin badan ay qabaan in howlgalkan uu yahay mid loo baahnaa .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com