Dhageyso: Banaanbax ka dhan ah DF Somalia oo ka dhacay Cadaado

Muqdisho (Caasimada online) Dibad baxa oo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiinta Maamulkaas iyo shacabka degmada ayaa waxay ku dhaliilsanaayeen dowlada Soomaaliya , iyagoona sheegay inay ka gaabisay wax u qabashada iyo ka war heynta shacabka dega deegaanada Maamulka Ximan iyo xeeb uu ka arimyo.

C/laahi Maxamuud Baarleex, Madaxweyna  maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa shegay in dowlada Soomaaliya ay ka gaabisay dadaallkii looga baahnaa ayna kasoo horjeesy  qorshe lagu mideyn lahaa gobolada dhexe ee dalka sida uu sheegay.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay iska indha tirtay Maamulka Ximan iyo Xeeb , waxaana uu sheegay in dowlada Soomaaliya inay kasoo horjeedo horumarka gobolada dhexe ee dalka , taasina ay tahay mid aaney aqbali karin.

Baarleex ayaa shacabka wuxuu ka dalbaday inay iyaga garbaha is qabsadaan horumarkoodana ay ku xiran tahay sida ay iyaga isku caawiyaan , waxaana uu shaaca ka qaday in dowlada oomaaliya ay ku fashilmatay xaqiijinta amniga iyo xiriirka Maamulada dalka.

Halkan ka dhageyso Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb

Halkaan ka dhageyso Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com