Bandow caawa lagu soo rogay Beledweyne iyo wararkii u dambeeyey ee khasaaraha

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa caawa bandow lagu soo rogay magaalada Beledweyne oo maanta qaraxyo culus ay gilgileen, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha booliska ee magaaladaas Bashiir Xuseen, bandowgaan ayaa Beledweyne saaraa doona mudo 24 saacadood ah.

Taliyaha ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay guryahooda joogaan, maadaama laga cabsi qabo weeraro kale iyo qaraxyo loo maleynayo inay ku jiraan gudaha magaalada Baledweyne.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in mudadaas 24-ka saac ah ay ciidanku magaalada ka samey doonaan howlgallo culus, waxaana gudaha magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u badan, kuwaas oo galinkii dambe ee maanta lasoo dhoobay wadooyinka muhiimka ah ee magalaada Baledweyne.

Seddax qarax oo waaweyn ayaa maanta ka dhacay bartamaha magaalada, gaar ahaan halka ay ku yaallaan xafiisyada madaxda ugu sareysa maamulka gobolka, saraakiisha iyo masuuliyiinta dowlad goboleedka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadaas, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, dadkii qabay dhaawacyada ugu daran ayaa caawa diyaarad lagu keenay Muqdisho, halka kuwo laga soo tegay ay dowladdu balan qaaday in berri diyaarad loo diri doono.

24-qof oo qaba dhaawacyadii ugu daraa ee qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa caawa laga soo dejiyey Muqdisho, kadib markii galabta ay dowladda Soomaaliya diyaarad u dirtay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in masuuliyiin, dad shacab ah, askar iyo saraakiil ciidan lagu dilay qaraxaas, isagoo tacsi u diray dhamaan dadkaas oo askar Jabuutiyaan ah ay ku jiraan.