Madaxweyne Xasan oo si kulul uga hadlay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa Xukuumadda ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladooda caafimaad, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray hay’adaha ammaanka heer federaal ee ku sugan Hirshabeelle iyo kuwa heer dowlad goboleed, in ay sare u qaadan feejignaantooda amni, kana hor tagaan falalkooda bahalnimada ah, maadaama Al-Shabaab lagu soo jabiyey furimaha dagaalka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada HirShabeelle in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta ciidamada xoogga dalka, si loo dhammeystiro xoreynta deegaannada ay argagixisadu ka soo maleegayaan dhagarta iyo gumaadka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, intaas ka badana waa ku dhaawacantay, dowladda ayaa diyaarado gargaar ah galabta ka dirtay Muqdisho, kuwaas oo caawa Xamar keenaya dhaawacyada ugu halista badan ee qaraxaas ka dhashay.