Daawo: Dhaawacyada 24 qof oo la keenay Muqdisho iyo Guudlaawe oo hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – 24-qof oo qaba dhaawacyadii ugu daraa ee qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa caawa laga soo dejiyey Muqdisho, kadib markii galabta ay dowladda Soomaaliya diyaarad u dirtay.

Diyaarad galabta Muqdisho ka qaaday gargaar u badan mid caafimaad ayaa Beledweyne ka soo qaaday dhaawacyada 24-kaan qof ee caawa Muqdisho la kieenay, waxaana la sheegay inay jiraan dhaawacyo kale oo halis ah, lagana soo tegay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in masuuliyiin, dad shacab ah, askar iyo saraakiil ciidan lagu dilay qaraxaas, isagoo tacsi u diray dhamaan dadkaas oo askar Jabuutiyaan ah ay ku jiraan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale iyo Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr. Cali Xaaji ayaa sheegay in dhaawacyadii ugu daraa ee ka dhashay qaraxyadii Beledweyne ka dhacay caawa lasoo gaarsiiyey Muqdisho, waxayna dowladdu balan qaaday in dadka kale ee liita berri lasoo qaadi doono.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadaas, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, sidoo kale cabsi badan ayaa caawa ka jirta magaalada Beledweyne, waxaana laga baqayaa weerarro kale.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in weerarradaan bahalnimada ah ay Al-Shabaab dadka uga aargoosanayaan jabka culus ee furimaha dagaalka loogu geystay.

Cali Guudlaawe ayaa wacad ku maray in reer HirShabeelle ay deg deg isaga sifey doonaan Al-Shabaab, isla markaana ay noqa doonaan dadka ugu horeeya eek a nabad gala dhagartooda.

Hoos ka daawo