Khasaaraha qaraxyadii Beledweyne oo kordhay iyo Mareykanka oo war soo saaray

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacay seddex qarax oo geystay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo laba ka mid ah ay is-xigixgeen.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin iyo ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, qaraxyadaan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof, ayada oo labada qarax ee ugu horreeyey ay dhaceyn subixii hore ee maanta kuwaas oo ahaa kuwa lagu soo xiray gawaari.

Labada qarax ee hore ayaa lala beegsaday xarunta Lamagalaay oo fadhiisin u ah madaxda maamulka HirShabelle iyo kuwa gobolka, halka midka seddexaa oo uu fuliyey qof qarax isku soo xiray uu ka dhacay saldhigga weyn magaalada Beledweyne.

Qaraxyadii saakay ayaa waxaa la xaqiijiyey In dadka ku dhintay ay kamid ahaayeen wasiirkii caafimaadka HirShabelle Zakariye Hurre iyo guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.

Beledweyne waxay xuddun u ahayd abaabulka dadka degaanka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ciidanka dawladda iyo maleeshiyaadka degaankaas tuulooyin badan uga qabsadeen Al-Shabaab.

Dhanka kale, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa war kasoo saaray qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

War saxaafadeed lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee saraafadda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Mareykanku wuxuu cambaareynayaa weerarrada Al-Shabaab ee Beledweyne, oo lala beegsaday saraakiisha dowladda ee ka shaqeynayay sidii ay nabad uga dhigi lahaayeen gobolka iyo shaqaalaha caafimaadka ee u adeegayay dhaawacyada. Waxaan tacsi u direynaa dadka laga dhintay. Waxaan dadka Soomaaliyeed ku taageereynaa dagaalka ay ku raadinayaan nabad iyo mustaqbal fiican.”

Qaraxyadan ayaa imanaya ayada oo gobolka Hiiraan ay ka socdaan howlgallo xooggan oo kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo gobolka. Howlgalladan oo hadda socda muddo bil ku dhow, ayaa waxaa Al-Shabaab looga saaray deegaano badan.