R/W Xamza Cabdi Barre oo soo saaray amar deg deg ah kadib qaraxyadii Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo goordhoweyd ka hadlay qaraxyadii xooganaa ee ka dhaay Beledweyne ayaa amray in wasaarada caafimaadka iyo hay’addaha kale inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dhaawacyada ka dhashay qaraxyadaas.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarka qaraxyada ahaa ee maanta gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu beegsaday xerada Lama-Galaay.

“Falkaan wuxuu caddeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabad-diidku daadinta dhiiga dadka Shacabka ah, waana mid ay rabaan in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda, dhiiga dadkeenna qiimaha badan ee maalin walba ay daadinayaan ma’ahaan mid looga hari doono,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii naftooda ku weeyey weerarkii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Beledweyne, isagoona Ilaahay uga baryey caafimaad deg-deg ah in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaas.

Ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisul wasaaraha ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaasi oo muddooyinkii dambe ka socday gobolada dalka.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta argagixisadu ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Kullanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qaraxyada kooxda nabad-diidka ah ay ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ay beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Shabaab.

Qaraxyadaan ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan ayada oo ku geeriyoodeen mas’uuliyiinta ay kamid yihiin Wasiirkii Caafimaadka HirShabelle Dr. Zakariye Hurre iyo gudoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda Hiiraan Abuukar Maadeey.

Sidoo kale waxay dhaawacyo soo gaareen taliyaha ciidamada Daraawiishta HirShabelle Axmed Dirir iyo guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire.