Dhageyso: Guddoomiye Cali Jeyte oo ka badbaaday qaraxyadii Beledweyne oo ka warramay sida loo fuliyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo kamid ah masuuliyiintii ka badbaaday qaraxyadii maanta ka dhacay xerada Lama-Galaay ee magaalada Beledweyne ayaa waxa uu sheegay in uu ahaa bartilmaameedka kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye Jeyte oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in xiliga uu qaraxa dhacayay ay aad mashquul u aheyd xaruntu, isaga oo xaqiijiyay dhimashada dhowr askari oo kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

“Waxa dhacay saaka fal fuleynimo ah, inta aan hadda xaqiiqsanahay dad badan oo shacab ah ayaa ku baaba’ay. Aniga xafiiska ku jiray dadkii hortiisa tubna waxay noqdeen dhimasho iyo dhaawac,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay illaa hadda xaqiijiyeen geerida Wasiirka Caafimaadka HirShabelle iyo Guddoomiye ku-xigeenka gobolka, ayna weli wadaan baaris la xiriirta khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.

“Nimankaas (Al-Shabaab) iyo anaga wey noo qooshan tahay waa niman fuley ah oo qaraxyadaas ayey dadka la eegtaan. Madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka wey badqabaan oo wey ila joogaan hadda.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay qaraxyadii maanta ay u daabulayaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyo meelihii kale ee adeeg caafimaad ka heli karaan, maadama kal hore uu qarax ku burburay isbitaalkii weyna ee magaalada Beledweyne.

Ugu dambeyntiina guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay sida uu arko in argagixisadii uu ku baacsanayay duurka ay maanta ugu yimaadeen xafiiskiisa oo qarxiyeen ayaa waxa uga jawaabay, inay aheyd wax laga filan karo ayna tahay naf la caari tii u dambeysay.

“Haddii aad wax aad garaneyso ka shaqeynayso waxa kaga imaan karana waad taqaan. Hadda itaalkoodi waxa uu ku soo aruuray in qarax kusoo xidhaan baabuur, waxa kasoo afjarnay inay faltamaan oo xabad ridaan ayna galaan dagaal toos ah.”