Bandowgii dowlada Jabuuti oo saameeyey muwaadiniin ku xayiran xuduuda Somalia

Jabuuti (Caasimada Online) ― Dad u dhashay dalka Jabuuti ayaa cabasho baahsan ka muujiyey Bandowga ay hirgelisay dowladda Jabuuti, maadama uu sabab u noqday inay maalmo ku go’doonsanaadan xuduuda Lowya-cado.

Dadkaasi uu saameyay Bandowgu ayaa si deg-deg ah u dalbaday in dowladda Jabuuti ay wax uga qabato, maadama xili ay ganacsi ahaan u tageen xuduuda dhanka Somaliland uu soo baxay go’aankaasi bandowgu.

Waxayna dadkaasi oo u badan dumar ay dowladda Jabuuti ka codsadeen in dalkooda dib ugu soo laabtaan, si ay uga baxaan go’doonka ay ku jiraan.

Sucaad Daahir Jaamac oo kamida dadka xadkaasi ku go’doonsan, ayaa sheegtay inay muddo shan maalin ah ku sugan tahay xadka Lowya-caddo, waxayna tiri “Waxaan imika ku suganahay muddo shan habeen ah iyo shan dharaarood ah xadka Loowya cadde”.

“Warna ma heyno, waxaan leenahay madaxda reer Jabuuti nin waliba dadkiisii wuu qaabilay in aad na qaabishiin oo aad noo timaaddiin oo aad na aragtiin oo wax na weyddiisiin, maxaad u diideen oo inoo dhageysaneysaan” ayey hadalkeeda sii raacisay Sucaad Daahir.

Dowladda Jabuuti ayaa la daala dhaceysa xakameynta cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus, xili ay soo rogtay bandow labo todobaad ah.

Waxayna gaarayaan Kiisaska Koronaha ee laga helay dalka Jabuuti ilaa 40-Kiis, kuwaasi oo lagu karantiilay gobolka Carta.