Wararkii ugu dambeeyay ee Cudurka Coronavirus iyo dhimashada oo sare u kacday

Madrid (Caasimadda Online) – Tirada uu soo ritay feyriska Corona ayaa iminka gaartay guud ahaan caalamka 1 milyan oo kiis sida laga soo xigtay tirakoobkii ugu dambeeyay ee ay soo saarto Jaamacadda Johns Hopkins.

In ka badan 53,000 oo qof ayaa cudurka u dhimatay halka 2010,000 oo qofna ay ka caafimaadeen Fayraska Corona, sida ku xusan warbixinta tirakoobka Jaamacadda.

Mareykanka ayaa hogaaminaya tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunkan, dhimashaduna waxay dalkaasi gaadhay ku dhawaad 6000 oo qof.

Dalka Spain shalay oo kali ah waxa cudurka ugu geeriyooday 950 qof.

Dalka Hindiya rai’sul wasaare Narendara Modi ayaa muuqal uu baahiyay waxaa uu muwadiniinta dalkaasi ku boorriyay in xanuunkan si wada jir ah loola dagaalamo.

Hindiya ilaa iyo imika waxaa la xaqiijiyay 2,000 oo kiis halka 53 qofna ay cudurka u dhinteen.

Shiinahana waxaa aad hoos ugu dhacday tirada dhimashada iyo kiisaska cusub, waxaana dalkaasi oo ah meeshii ugu horreysay ee uu ka soo if-baxay xanuunka muddo haatan laga joogo 3 bilood looga dhawaaqay maalin fasax ah oo loo baroor diiqayo dadkii ku dhintay xanuunka Corona Virus.

Dhimashada cudurka ee guud ahaan caalamkao oo sii kordhaysa

Waxaa cudurka imika guud ahaan caalamka ugu dhintay 53,000 oo qof .

Hadaba tirada dhimashada dalalka uu cudurka aafeeyay ayaa kala ah sida soo socota.

Taliyaaniga 13,915

Spain 10,348

US 5,911

Fransiiska 5,387

Shiinaha 3,322

Iran 3,160

UK 2,926

Netherlands 1,341

Jarmlka 1,107

Belgium 1,011