27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo 3.2 milyan dollar laga baxay (Yaa qaatay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa siyaasadda Damu-Jadiid ayaa la xaqiijiyay inay Bankiga dhexe ee dalka kala baxeen Seddex Milyan iyo laba boqol kun oo dollar, oo ah hantida qaranka.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha iyo Saaxiibadiisa ayaa Lacagtaas ku qaaday in lagu soo iibin doono rasaas, hase yeeshee waxaa xog cusub ay xaqiijineysaa in lacagtaas lagu bixiyay deeyntii la qaatay xilligii lagu guda jiray ololahii ridista ra’isul wasaare Cabdiweli.

Deeyntii xilligaas la qaatay waxay dhamey toddobo Milyan oo dollar, waxaana sababtu ahayd ayada oo haddii 7 milyan mar qura laga bixiyo bankiga laga cabsaday in xasaasiyad ay abuuranto.

Lacagta Bankiga lagala baxay, ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay horsed in Xildhibaanadda Baarlamaanka ay heli waayaan mushaar seddexda bil ee soo socota.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka iyo Gudigga la dagaalanka musuqmaasuqa ee Baarlamaanka ansixiyay wax wara weli kama soo saarin lacagta lagala baxay Bankiga dhexe ee ay qaateen Damu-Jadiid.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hantidii Qaranka si ka baxsan sharciga ugu tagrifalaya Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News