Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ka warbixiyay lacagta cusub ee dhawaan lasoo daabici doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa burburkii dalka kadib waxa ay ku dhawaaqday inay dib u furtay 2007 Bankigii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay ku shuban doonto lacagaha kasoo gala gudaha dalka iyo kuwa deeqaha ah ee ay beesha caalamka ugu deeqdo, ayna ka kaaftoontay isticmaalka xawaaladaha.

Tan iyo xiligaas waxa uu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya soomaray heerar kala duwan waxaana muddo kooban gudaheed uu la jaan qaaday Bankiyada kale caalamiga ah ee Dunida waxaana uu ku guuleystay xasilinta dhaqaalaha dalka.

 Hadaba Shaqooyinka uu bankiga qabto waxaa ugu horeeysa maamulka iyo iskudheelitirka dhaqaallaha wadanka, xisaabinta miisaaniyada dowlada, ilaalinta qiimaha lacagta wadanka iyo nidaaminta koboca dhaqaalaha wadanka. Intaas waxaa u dheer, maamulka iyo dejinta siyaasada dhaqaalaha iyo maalgeshiga dowlada.

Agaasimaha sare ee Waaxda lacagta iyo fulinta Bankiga Dhexe Axmad Xundubey  oo wareysi siiyay Wariye Cabdicasiis Xasan Ibrahim (Abdiaziz Loyal) oo katirsan warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay qaar kamid ah mashaariicda Bankiga Dhexe  sida hanaanka lacag bixinta Qaranka, Lacagta dhawaan loosoo daabacayo Soomaaliya iyo waliba guusha Bankiga Dhexe ee  IBAN oo dalka muhiim u ahaa.

Hoos ka daawo, Agaasime Axmad Xundubey oo arrimahan sharaxaya.