Bannaanbaxyo lagu taageerayo Xasan Sh. oo Muqdisho ka dhacay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah ka dhacay bannaabaxyo ballaaran oo lagu taageeraayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loogana soo horjeeday is-casilaadda loo soo jeediyay madaxweynaha.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku suganaa goobta dibad-baxa uu ka dhacaydaljirka daahsoon ayaa soo sheegay in dibadbaxa ay ka soo qaybgalayn dadweyne aad u fara badan.

“Boqolaal qof oo u badan dumar iyo carruur watana sawirka madaxweynaha ayaa buux dhaafiyay laga soo billaabo garoonka diyaaradaha Muqdisho ilaa iyo daljirka daahsoon, waxaana ay wataan boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah xildhibaannada soo gudbiyay dalabka is-casilaada, waxaana dadweynaha ay ka kala yimaadeen 16-ka degmo ee ku yaalla Muqdisho” siddaas waxaa soo sheegay wariyaha Caasimada Online.

Ammaanka goobaha dibadbaxa ay ka dhaceyn ayaa lagu arkayay ciidamo ammaanka sugaya.

Yaa soo qaban qaabiyay bannaanbaxa?

Sidda ay lee yihiin saraakiil ku sugan goobta bannaanbaxa, waxaa soo qaban qaabiyay bannaanbaxa maamulka gobalka Banaadir oo waxaa goobta lagu akyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir.

Dibadbaxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta uu dalka dib ugu soo laabtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku soo kala maray waddamada Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com