Mid ka mid ah odayaasha ugu caansan Hawiye oo taageeray casilaada Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Malaaq Cali Malaaq Colow Malaaq Showri oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, islamarkaana ah malaaqa Xamar iyo Xamar Daye ayaa si diiran u soo dhaweeyay bayaankii qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ay ku dalbadeen in madaxweynaha uu is-casilo.

Malaaqa oo kasoo jeeda beesha madaxweynaha ee Muddulood, gaar ahaan Mataan Cabdulle, ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, waxaana uu faahfaahiyey dhaliilaha dhankooda ay u hayaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, ee uu ku taageerayo is-casilaaddiisa.

Malaaq Cali, ayaa farta ku fiiqay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku sifoobay wax qabad la’aan, abuuritaanka Dagaal beeleedyo iyo isagoo ku fashilmay balan qaadyadii uu hore u sameeyay.

Malaaqa ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya waxa loo yaqaano Nin Jecleysi, isagoona Tusaale u soo qaatay Abtigiisa waa siduu hadalka u dhigaye oo uu u magacabay Wasaaradda arrimaha gudaha isagoo dhanka kalena sheegey in nin Beertiisa Balcad ku taala waardiye ka ah uu u magacaabo Guddoomiyaha degmada balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Malaaqa, ayaa ku bogaadiyay xildhibaanadii soo jeediyay inuu Madaxweynuhu is casilo inaysan maraba ka noqon dalabkooda, islamarkaana ay ku adkaystaan sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Madaxwyne Xasan Sheekh.

Si kastaba waxa tan iyo markii ay soo shaac baxday arrintan isa soo tarayay taageerada iyo talooyinka loo soo jeedinayo Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ee soo abaabulay barnaamijkan Madaxweynaha Xilka looga qaadayo.

Halkan ka dhageyso Malaaqa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com