Muqdisho: Siyaasiyiin Hawiye ah oo ku biiray dalabka is-casilaadda Xasan Sh

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan ee baalaha Hawiye,ayaa ku biiray dalabka xildhibaanno ka tirsan baarlamanka ay ku doonayaan in madaxweynaha Somalia uu is-casilo.

Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabadda iyo Dumuqaraadiga Soomaaliya Cabdulahi Sheekh Xasan oo shir Muqdisho ku qabtay ayaa waxa uu taageeray Go’aankii shalay ay soo jeediyeen tiro ka mid ah Xildhibaanada Baarlaamnka Soomaaliya oo ka dalbaday in uu is casilo Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud.

Cabdulahi Sheekh Xasan waxa uu ku ammaanay mudanayaashii tallaabada qaaday oo uu ku tilmaamay in ay yiihiin kuwo dalka iyo dadka ka naxaya islamarkaana u dulqaadan waayay dhibaatadda dalka ka jirta, waa sida uu hadalka u dhigay.

Cabdullahi Sheekh Xasan waxa uu ka codsaday Baarlamaanka Soomaaya inay keenaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya si meesha looga saaro, waxa uuna intaa ku daray in dalka uu ku jiro dhibaato Xoog leh oo u baahan in hadda wax laga qabo, maadaama uu carabka ku dhuftay in aysan jirin Dowlad wax ka qaban karta dhibka, waa sida ay isaga la tahay’e.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, ayaa kasoo jeeda beesha Wacbduuhan Abgaal, gaar ahaan Daa’uud.

Xildhibaanada codsaday is-casilaadda madaxweynaha waxaa ka mid ah kuwa Hawiye ah, sida Cabdul Qaadir Cosoble oo Abgaal ah iyo Cabdisamad oo Habar-Gidir ah iyo kuwa kale, taasi astaan u ah in xaalka Xasan uu xun yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com