Xog: Muxuu yahay mowqifka Xasan Sh ee ku aadan dalabka is-casilaadda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku gacan seeri doona dalabka xildhibaanada korka u dhaafaya boqolka ee ku aadan inuu is-casilo, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ilo ku dhow madaxtooyada Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu ku qoslay baaqa ku aadan is-caslaadda, islamarkaana uu ku gacan seeray, ayna ka go’an tahay inuu xilka sii hayo.

Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu maanta soo gaaro magaalada caasimadda ah, islamarkaana uu si rasmi ah u shaaciyo go’aankiisa, ayada oo abaabul ay wadaan xildhibaanno isaga taageersan.

“Madaxweynaha waa uu diiday dalabka kuwa fowdada wada, waxaana jira kuwa ayaga ka badan oo isaga taageersan” ayuu yiri qof isaga ku dhow oo Caasimada Online la hadlay, balse aan dooneyn in la magacaabo, sababo la xiriira xaaasiyadda warkan.

Si kastaba waxa uu qiray in uu jiro walaac ku aadan tirada xildhibaannada dalbaday is-casilaadda ee gaaraya 133, taasi oo madaxweynaha sida la sheegay lama filaan ku noqotay.

Dhinaca kale dadaallo xooggan, ayaa ka socda Villa Somalia, ayada oo madaxtooyada ay billowday qorshe lagu kala jebinayo xildhibaanada dalbka is-casiladda keenay.

Xildhibaanada ku shiray Muqdisho Isniintii, ayaa isugu jira kuwa kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool oo Xasan Sheekh ugu carreysay arrinta maamullada la isku qabsaday ee gobolladaas, kuwa Daarood oo caadiaf qabiil u ridaya iyo kuwa aan badneyn oo Hawiye ah oo jeebka loo buuxiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com