Marka: Cabdi Weli oo qarax la kulmay

Marka (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay kulamo la qaateen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa ku gaaray magaalada Marko safar dhanka hawada ah, iyadoo ay kasii horeeyeen masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Markii wafdiga gaareen kadib magaalada Marko waxaa bartamaha magaalada ka dhacay qarax ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya, waxaana la sheegay inay aheyd mid wadada lagu aasay.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada Ruuziya ee magaalada Marko, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka magaalada Marko.

Qaraxa ayaa sidoo kale la sheegay inuu sababay dhaawaca askar kale oo ku sugnaa goobta qaraxa, waxaana askartaasi booliska ah ay kamid ahaayeen ciidamo ilaalinayay amaanka maadaama ra’iisul wasaaraha uu gaaray magaaladaasi.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha dalka Cabdi Welli Sheikh Axmed Maxamed ayaa booqday isbitaalka magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com