Barasaab ku-xigeenkii reer Somaliland ee Puntland ay xirtay oo war soo saaray

Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdiraxmaan Axmed Muuse (Suldaan), Badhasaab ku-xigeenka Somaliland ee gobolka Badhan, ayaa maanta ka hadlay xarig la sheegay inay ciidamada maamulka Puntland kula kaceen, isagoo ku sugan gudaha Badhan.

Badhasaabka oo maanta warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in xaalada guud ee goblkaasi ay tahay mid degan oo wanaagasan, isla markaana uu ka jiro nidaamkii maamul ee Somaliland.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan dadyow qalalaase ka wada gudaha gobolkaas, balse ay socoto shaqadii ay u hayeen xukuumada Somaliland, wuxuuna yiri

“Gobolka Badhan waa nabad-galyo oo wuu fiican yahay, shaqadii iyo nidaamkii Maamulku illaa heer degmo si fiican buu uga socdaa, laakiin gobolka qolo qalalaase ka waddaa way jirtaa, aniga, Guddoomiyaha Gobolka iyo Shaqaalihii Gobolka, Maayarkii, ku-xigeenkiisii way joogaan oo si fiican baa looga shaqaynayaa”

“Waxaan sheegayaa war borobagaando ah oo qolo Laamiga ka timid (Puntland) ay meelihii wadeen, waxay Telefiishannadooda ka siidaayeen oo ay yidhaahdeen Badhasaab ku-xigeenkii Gobolka Badhan baanu xidhnay, beentu intay socotaaba way iska yar tahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan warkaasi, Aniga xarig la ii geystayna ma jiro. Mar hadday yidhaahdeen waanu xirnay, bal ha sheegaan halkay igu siidaayeen”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com