Barkhad Batuun oo jawaab ka bixiyey tallaabadii Rooble

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Batuun Jaamac oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo lacag malaayiin dollar ah u fasaxay xukuumadda Hargeysa, kadib dabkii xooganaa ee dhowaan ka kacay suuqa weyn ee Waaheen.

Ugu horreyn Barkhad Batuun ayaa ku bogaadiyey madaxweyne Muuse Biixi inuu guddoomo lacagtaasi, si loogu gurmado shacabka ay dhibaatada soo gaartay.

“Madaxweyne waad ku mahadsan tahay go’aanka aad qaadatay inaad hantidaas Ummaddan Somaliland u keentay inaad gobanimadaas sameysay inaad siyaasaddii iyo xifaaltankii Soomaaliya naga dhexeeyey meel iska dhigtay,” ayuu yiri Barkhad Batuun.

Sidoo kale wuxuu si ballaaran ugu mahadceliyey dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isagu lacagtaasi gaarsiiyey Somaliland.

Xildhibaan Barkhad ayaa shaaca ka qaaday in Rooble uu sameeyey wanaag, isla-markaana ay tahay in loogu mahad-naqo, iyada oo halkeedii ay tahay siyaasaddii la’isku hayey.

“Waxaan rabaa inaan halkan baaq uga diro, una mahadceliyo dowladda Soomaaliya ra’iisul wasaaraheeda maalintii ra’iisul wasaaraha Soomaaliyana naga qaldan yahayna ninka la hadlayey aniga ayuu ahaa maalintii uu wanaag innoo sameeyana waxaan leenahay waad mahadsan tahay ra’iisul wasaare,” ayuu markale ku yiri hadalkiisa xildhibaan Barkhad.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay   xiriir toos ah la sameeyeen Muuse Biixi , iyaga oo la wadaagay dareenkooda sida ay uga xun yihiin dhacdadii suuqa Waaheen, waxaana kadib ra’iisul wasaaraha u diray lacag horey looga xayiray Somaliland oo lagu daray 1 milyan oo ay iska uruuriyeen ganacsatada dalka.