Barkhad Batuun oo wajahaya eedeyn culus oo la xiriirta gabadh sheegtay inuu qabo

Hargeysa (Caasimada Online) – Barkhad Batuun oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maalmihii dambe wajahayay eedeyn culus, taasi oo la xiriirta “in sifo sharic darro ah ku haysto gabadh uusan qabin”.

Mustafe Cismaan Cali oo sheegay inuu yahay adeerka gabadha oo lagu magacaabo Mushtaaq Cabdi Naano ayaa ku eedeyay Barkhad in gabadhooda uu haysto oo aysan gacan ku hayn, islamarkaana ay sharciga kula tiigsan doonaan.

“Ninkaas inantii illaa hadda gacantiisa ayey ku jirta meeshii uu geeyana isagaa og. Sifo sharci darro ah ayuu ku haysta inanteena, sharciga iyo qanuunka waa ku dembi, waxaana uga fadhinaa sharciga,” ayuu yiri Mustafe oo maanta la hadlay warbaahinta.

“Waraaqda ay sheegayso inay isku guursadeen waa mid aan ku furdaaminay markii la xidhay, ee loo soo qabtay ilmo ay dhashay oo tuurtay. Furdaaminteedii ayaa waraaqdaas Nootaayo ka qornay, ee majirto meel ay isku mehersadeen (Mushtaaq iyo Barkhad).”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Barkhad Batuun uu faro-xumeeyay gabadhooda, intaas kaliyana uusan ku eekaan ee uu hadda ku qasbayo inay warbaahinta kasoo muuqato oo sheegato inay is-qabaan. – Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashadaan.

Hadalkaan ayaa imanaya saacado kadib markii Mushtaaq Cabdi Naano oo kamid ah wariyeyaasha Somaliland ay sheegtay in Barkhad Batuun ay isku guursadeen sifo sharci ah.

Mushtaaq ayaa ka difaacday Barkhad Batuun eedeymaha hore loogu jeediyay, waxayna warbaahinta u soo bandhigtay warqad ay ku sheegtay “cadeynta meherkooda”.

Si kastaba, eedeynta culus ee loo jeediyay Batuun oo markii hore kasoo bilaabatay xubno kamid ah xisbiga Kulmiye, ayaa waxa macquul ah inay salka ku hayso arrimo siyaasadeed, walow aan si rasmi ah loo ogeyn.