26.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

BARRE Hiiraale oo ka fiirsanaya shirka Muqdisho & Odayaal Digil iyo Milifle ah oo tageeray Axmed Mdoobe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada online) Odayaasha dhaqanka  beelaha Digil iyo Milifle ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa qaadacay Banaanbixii maalin ka hor ka dhacay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay,ee looga soo hor jeeday dowlada Soomaaliya iyo heshiiskii Adis-Ababa ee Maamulka Jubba iyo dowlada .

Kadib kulan magaalada Kismaayo maanta ay ku yeesheen odayaasha iyo waxgaradka Digil iyo Milifle ee ku nool gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxay ku shegeen inay si aad ah uga soo horjeedaan waxa maalin ka hor Beydhabo ka dhacay iyo go’aanka ay qaateen qaar ka mid odayaasha Beelahaas ee ku nool gobolada Baay iyo Bakool.

Nabadoon Cabdi Aadan Isxaaq, oo kamid ah odayadii maanta Kismaayo kulanka ku yeeshay ayaa sheegay in ay dhankooda taageersan yihiin go’aankii kasoo baxay Heshiiskii Adis-Ababa ee lagu soo dhisay maamulka Jubba , isagoo ugu baaqay in go’aanka ay gaareen odayaasha beeshoodaah ee Baay iyo Bakoolku dhaqan inay dib uga laabtaan.

Xildhibaanada kasoo jeeda labada beel iyo Digil iyo Milifle ayuu sheegay inuu ku dhiira galinayo inay howshooda qaran gutaan ,isla-markaana ay ka fogaadaan siyaasiyiin iyo waxgarad uu sheegay inay dano gaar ah ay leeyihiin .

Dhanka kale Saraakiisha ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa waxay sheegeen inay ka fiirsan doonaan shirweynaha dib u heshiisiinta qaran ee ka soconaya magaalada Muqdisho .

Xasan Qaasim Warsame oo kamid ah sarakiisha ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale, kuna hadlyay afka Bare Hiiraale, ayaa Wuxuu sheegay inay kulan balaaran dhexdooda isagu imaan doonaan islamarkaana ay go’aan cad ka qadan doonaan shirkaka soconaya Muqdisho.

Wuxuu sheegay in aysan qorshaha ugu jirin inay taageeraan maamulka KMG ah ee Jubba hayeeshee waxa kaliya ee ka dhexeeya inay tahay tagaal sida uu sheegay.

Sidoo kale Cornel: Maxamed Ibaraahim Buule , oo sina saraakiisha Barre Hiiraale ka tirsan ayaa sheegay inay iyagu ka mid yihiin ciidamada dowlada Soomaaliya balse uu dagaal kala dhexeeyo Maamulka ay dowladu aqoonsiga siisay ee Jubba.

Waxaa jira dhaliilo ku aadan shirka ka soconaya Muqdisho ee maanta sida rasmiga ah u furmay iyo waliba aqoonsiga dhawaan dowlada ay siisay maamulka Jubba ,inkatoo dowlada Soomaaliya ay si cad u sheegtay inay soo dhaweeneyso cid kasta oo wax tabaneyso.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News