Dhageyso: Barre Hiiraale oo Muqdisho ka sheegay arrimo xasaasi ah iyo xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah shir jaraa’id ku qabtay Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale oo noqday wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, wuxuuna ka warbixiyay wax yaabaha ku kalifay in uu qaato nabadda isla markaana uu soo afjaro dagaalkii uu kula jiray maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo ciidanka Kenya.

Barre Hiiraale ayaa ballan qaaday in uu ka qeyb qaadan doono dedaalada loogu jirro nabadeenta gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in gobalada Jubba ay ragaadiyeen colaado daba dheeraaday oo uu yiri lama yaqaano meesha ay ku dhammaan doonaan.

Barre Hiiraale ayaa soo dhaweeyay dedaalada ay ka qeybqaateen IGAD, dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka kaasoo ku aadan qabsoomida shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka dhaco Kismaayo.

Wuxuu sheegay in isagoo ka mid ahaa Golaha nabadda iyo mideeynta gobalada Jubba,in ay deeganka Goobweyn ugu yimadeen wafdi wasiiro ah, Korneel Gabra, Maxamed Cabdi Affeey, iyo wakiil ka socday dowladda Itoobiya iyo xubno ka socda AMISOM.

Wuxuu sheegay in ay qaateen heshiiska ay garwadeenka ka ahayd dhinacyadaas isla markaana ay ka qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta ee ka dhacaya Kismaayo.

Barre Hiiraale ayaa xusay in dagaallo ay ku soo jireen muddo 20 sanno ah isla markaana ay ogaadeen faa’ido uusan lahayn.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay in ay nabadda qaateeyn isla markaana ay diyaar la yihiin in ay miiska wadahadalka ay la fadhiistaan.

Dhageyso hadalka Barre Hiiraale

Caasimada Online

Xafiiska Warararka Muqdisho

Caasimada@live.com