26.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Barre Hiiraale oo qaatay go’aan aan la fileyn oo niyad jab ku ah DF + Cod

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Col. Barre Hiiraale, ayaa ku gacan seeray ka qeyb galka shirka arrimaha Jubbooyinka ee lagu wado inuu dhowaan ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Afhayeen u hadlay garabka Barre Hiiraale, Xuseen Qaasim ayaa wareysi uu dhowaan bixiyey ku sheegay in aysan aadi doonin Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirkaas.

Waxa ay tani imaneysaa ayada oo dhowaan dowladda Somalia ay dadaal u gashay in ay Axmed Madoobe ka dhaadhiciso in Barre uu ka qeyb galo shirka, ciidankiisana ay soo galaan Kismaayo, taasi oo uu aqbalay.

Go’aanka cusub ee kasoo baxay maamulka Barre Hiiraale, ayaa waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen inay ciidankooda tagayaan Kismaayo, waxaana afhayeenkiisa uu sheegay in dowladda Somalia ay qaadatay go’aan aan cidna la ogeyn.

Waxa uu ku eedeeyey dowladda inay ka daahday inay si wada hadal ah wax ku dhameyso, sidaa darteedna ay iminka xoog dib ugu qabsan doonan Kismaayo, oo ay dagaal qaadi doonaan.

Go’aanka kasoo baxay dhinaca Barre ayaa dhabar ka toogasho ku noqonaya dowladda oo u muuqatay mid ugu dambeyn xal u heshay arrimihii murugsanaa ee Jubooyinka.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka afhayeenka Barre

Xasan-Qaasim-Warsame-Afhayeenka-Col-Barre-Hiiraale-1

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News