Baxsad ka tirsanaa shabakad Al-Shabaab u geysay gaari dowladeed oo la qabtay

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay Xasan Ibraahim oo kamid ahaa shabakad saddex nin oo Janaayo 2023 gaari TOYOTA Hartop ah ah kala goostay wasaaradda tamarta iyo biyaha Jubbaland.

Raggan ayaa gaarigaasi sanadkii hore ula galay kooxda Al-Shabaab, balse dabagal dheer kadib Booliska Jubbaland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay Xasan.

October 2023 ayey aheyd markii Ciidamada Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ay sidan oo kale Muqdisho ugu qabteen Cabdifataax Nuur iyo Xasan Cabdullaahi oo ninkaan hadda lasoo qabtay la socday, kalana shaqeeyey inay gaarigaas la goostaan, si Al-Shabaab ay uga iibsadaan.

Cabdifataax iyo Xasan ayaa kooxda markaas kula heshiiyay in la siiyo lacag dhan 20-kun dollar, kadib marka ay u gacan galiyaan gaariga ay iska laheyd wasaaradda biyaha iyo tamarta Jubbaland, hase yeeshe taasi ma dhicin, sida ay hore u sheegtay NISA.

“Kahor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda.

“Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen argagixisada kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku dhuumaalaystaan Khawaarijta balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay argagixisada iyo raggan khiyaanada Qaran ku kacay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Si kastaba, soo qabashada raggaan ayey dowladda ku sheegtay mid muujineysa “in kuwa dhagarta maleegaya aysan ka baxsa karin gacanta hey’adaha ammaanka Soomaaliya oo meel kasta lagu qaban karo.”