Bayaan adag oo laga soo saaray shirka Madasha Samatabixinta + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Kulan saacado badan qaatay oo magaalada Muqdisho uga socday siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa lasoo gaba-gabeeyay.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen inta badan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa waxaa mar kale dhaliilo xooggan loogu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

Bayaan kasoo baxay shirka mucaaradka ayaa waxaa si adag looga horyimid wax ka beddelka dastuurka, kaasi oo madashu sheegtay inuu dhaawac weyn u geystay kalsoonida shacabka iyo hanaanka siyaasadeed ee dalka.

“Waxaa si adag oo wadajir ah uga soo horjeedna isku-dayga madaxweynaha iyo xukuumadiisa ay ku beddeleen dastuurkii 2012, iyadoo aan la helin wada ogol siyaasadeed oo ku dhisan nidaamka federaalka, hab dhaqankan kali-talisnimo waxa uu dhaawac weyn u geystay kalsoonida shacabka iyo hanaanka siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Ku tagri falka dastuurka iyo wax ka beddelka halka dhinaca ah ee madaxweynaha iyo xukuumadiisa waxay wiiqday rejadii iyo kalsoonidii shacabka ee ku aadaneyd dowladnimo hufan oo ku dhisan sharci iyo cadaalad.”

Madasha ayaa sidoo kale waxay dalbatay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowlad-goboleedyada muddo dhaafay, iyadoo loo marayo hanaan dastuuri ah, hufan oo lagu kalsoonaan karo si loo xaqiijiyo sharciyada hay’adaha dowlad-goboleedyada iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

“Waxaan si wadajir ah ugu baaqayna in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka dowlad goboleedyada ee muddo-xileedkooda dhamaaday,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay shirka mucaaradka.

Sidoo kale waxa lagu yiri “Waxaa xasuusinayna madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in waxa ka socda maamul goboleedyada ay kasoo horjeedan sharci kasta oo waddanka u yaalla.”

Madasha ayaa si gaar ah farta ugu fiiqday maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo madaxweynaha haatan jooga uu muddo xileedkiisa ku eeka 2-dii February 2024. “Waxaa waajib ah in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowlad-goboleedyada, si loo xaqiijiyo sharciyadda hoggaannada iyo maamulka nidaamka federaalka.”

Madasha ayaa dalbatay in doorashada madaxtinimada Soomaaliya waqtigeeda lagu qabto, iyadoo la aadayo doorasho heshiis lagu wada yahay oo natiijadeeda la aqbalayo, iyagoo caddeeyay in aysan marnaba aqbali doonin muddo kororsi.

“Waxaan muujinayna warwar iyo walaac xooggan oo ku saabsan hubanti la’aanta hadheysay geedi socodka xilliga kala guurka siyaasadeed iyo qabsoomida loo qorsheeyay dhamaadka muddo xileedka dastuuriga ah ee ku eeg 15-ka May 2026. Waxaa muuqata in madaxweynaha federaalka iyo xukuumaddiisa ay ku guul-dareysteen inay caddeeyaan nidaam doorasho oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana ay soo bandhigaan hanaan hufan oo lagu maareyn karo wareejinta awoodda xilliga kala guurka.”

Sidoo kale waxay madashu si adag u cambaareysay tallaabooyinka ay dowladda Xasan Sheekh sida ula kaca ah ugu fogeynayso maamullada Jubbaland iyo Puntland, iyadoo ugu baaqday in ay joojiso qalalaasaha ay ka wadaan maamuladaasi.

“Madaxweynaha federaalka waxaa ugu baaqaynaa inuu ka gudbo arrimo shaqsiyeed, una gudbo kal umadeed, isla markaana uu si shuruud la’aan ah u aqbalo kaalinta muhiimka ah ee Jubbaland iyo Puntland, lana furo wada-hadallo dhab ah oo lagu soo celinayo wada-shaqeyntii labada heer dowladeed ee federaalka iyo dowlad-goboleedka,” ayaa lagu yiri bayaanka mucaaradka.

Ugu dambeyntiina, waxay Madashu ugu baaqday Madaxweynaha iyo xukuumadiisa in ay joojiyaan ku mashquulida tallaabooyinka siyaasadeed ee muranka dhaliyay, kuwaas oo dib u dhac ku keenay dagaalkii lagula jiray Khawaarijta, isla markaana dib loogu laabto dagaalka lagu xoreynayo dalka.

Hoos ka daawo bayaanka oo dhameystiran

- Advertisement -

Read more

Local News