31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Daawo: Xildhibaan Jacfar oo ku baaqay dagaal ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jacfar Abuukar oo maanta ka qeyb-galay shirka mucaaradka uga furmay magaalada Muqdisho ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqay inay ficil sameeyaan, si ay uga adkaadan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaanka oo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ku riixaya inay dagaal hubeysan uga hortagaan Xasan Sheekh, ayaa tilmaamay in xaaladda ka taagan dalka ay gaari karto heer loo bareero xubnaha mucaaradka oo jidadka laga xirto.

Jacfar ayaa sheegay in mucaaradka ay u furan tahay laba wado midkood oo keliya, in Madaxweynaha u dhaafan kursiga iyo inay ficil uga hortagaan isku-deyga uu rabo inuu xukunka kusii xajisto.

“Mucaaridku waa fadhiiid, hadal uun haya, Xasan wuxuu dadka u barakicinayaa oo dhaqaalaha u urursanayaa wuxuu doonaayaa in uu xilka iska sii joogo ee u dhaafa isna dadka ha dhaafee ama nimanyahow ficil sameeya,” ayuu yiri Xildhibaan Jacfar Abuukar o ka tirsan mudaneyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Maalin dhow jidadka ayaa laydinka xiranayaa haddii ay sidaan wax kusii socdaan. Wax tallo ah iyo wax hadal oo shacabka iyo dowladnimada u dhimri midna waa laga waayay.”

Xildhibaanka ayaa quus ka muujiyay hab-dhaqanka madaxweynaha, oo uu sheegay in uusan jirin cid uu u joojinaya, isla markaana la taagan yihiin xilligii uu mucaaradka bareeri lahaa, oo uu hadalka ku dari lahaa ficil, sida uu hadalka u dhigay.

“Midda Xasan haddii la dhaho qof dambe oo qof aaminta, ama qof dambe oo qof ku darsata la arki maayo. Xasan Sheekh markii madaxweynaha loo dooranayay ragga hadda musharaxiinta ama madasha ah siyaasad ahaan iyo cod ahaan waa taageeraan, oo codkooda ayay siiyeen, maantana waxay ka fadhiyaan halkaas.”

Hadalka Jacfar ayaa imanaya xili uu kasii darayo khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo xubnaha mucaaradku ay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu iska dhago tiray baaqyadii hore uga soo baxay, isla markaana uu ka shaqeynayo xoolo urursi iyo damiciisa dib usoo laabasho.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News