23.9 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Puntland oo dhisaysa ciidan cusub oo loogu talogalay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyey qorshe lagu aas-aasayo cutub ciidan cusub, kaasi oo si gaar ah loogu talagalay ilaalinta deegaanka.

Dhismaha ciidankan cusub ee Puntland ayaa ujeedkiiu yahay sidii wax looga qabto xaalufka iyo burburka kheyraadka dabiiciga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor oo shaaciyay dhismaha ciidankan ayaa sheegay in uu qayb ka yahay istiraatiijiyad lagu mideynayo amniga iyo adkaysiga deegaanka.

“Puntland waxay tababar ku soo dhammeystay 1,000 askari, kuwaas oo kala bar yihiin jaamiciyiin. 180 askari ayaa loo xilsaaray ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka,” ayuu yiri Lugatoor, isaga oo ka hadlayay furitaanka shirka nabadda ee sanadlaha ah ee Garoowe, kaasi oo halku-dhiggiisu yahay: cimilada, nabadda, iyo amniga: dhisidda mustaqbal nabdoon iyo adkaysi leh.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa khudbada uu ka jeediyay shirkaan uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka, isagoo qiray in khilaafka taagan uu saameyn dhaqaale ku yeeshay maamulkooda, wuxuuna dowladda dhexe ku eedeeyay inay ka goosatay qoondadoodii deeqaha caalamka.

Ilyaas Lugatoor ayaa xusay in xaalad adag uu ku jiro dalka, isla markaana haddii aan la helin badbaado deg-deg ah loo laaban doono burburkii iyo 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii wixii caalamka laga helay ay DFS cunaha-qabatay dadkii, oo hal dollar ka imaan waayay wax la qaban karaa way yaraaneysaa, haddii aan la badbaadina 1991 ayaa lagu noqonayaa,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Puntand.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan ay wada-hadallo u socdaan Madaxweyne Xasan iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo lagu soo afjarayo khilaafkooda.

“Waxaan wada-hadal la wadnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka deegaanka iyo kuwa qaranka, Wadahadalka iyo xiriirka waan sii wadaynaa, Puntland way ka warqabtaa arrintaas,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan wareysi siiyay warbaahinta Al-Carabiya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in heshiiskaas uu horseed u noqon doono in doorasho hufan oo wada ogol ah ay ka dhacdo Soomaaliya, ayna ka shaqeyn doonaan madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed intaba.

- Advertisement -

Read more

Local News