Beel ka goosatay Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay ciidan hubeysan + Ujeedka

Baydhabo (Caasimada Online) – Beesha reer Waasato oo degta degmada Ceel Barde ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaan xiriirka u jartay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ku eedeysay inay uga maqan tahay xuquuq ay ku leeyihiin maamulka.

Nabadoon Axmed Loxos Maxamuud (Yoobbe) oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay isku hayaan iyaga iyo maamulka Lafta Gareen.

Axmed Yoobbe ayaa ku eedeeyey in Koonfur Galbeed ay caqabado fara badan ay tirsanayaan shacabka ku dhaqan degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool.

“Waxaa keenay inay Koonfur Galbeed degmada Ceel Barde xiriirka u jartay waxaa weeye caqabado badan oo kaga yimid Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Nabadoonku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halkii wasiir ee ay ku lahaayeen maamulka Koonfur Galbeed inuu u wareejiyey beel kale, sida uu ku dooday Nabadoonka.

“Waxaa ka mid ah kow maamulkii oo yimid Cabdicasiis Lafta Gareen wuxuu sameeyey halkii kursi ee wasiirka aan ku laheyn koonfur Galbeed wuxuu u wareejiyey beel ka mid ah beelaha daga Bakool” ayuu ku yiri wareysiga Nabadoon Axmed Loxos Maxamuud (Yoobbe).

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Wuxuu ku kacay in uu sameeyo inuu kala tashado degmada Ceel Barde dad aan u dhalanin, kolkey caqabadaas imaaday oo markii horeba aan waxba ku heysanin haddane uu kala diray maamulkii degmada waxaas oo dhibaato ah annaga oo qabna ayuu halkii kursi ee an ku laheyn dowladda dhexe ayuu beel kale siiyey,”.

Nabadoonka oo hadalkiis sii wata ayaa carabka ku adkeeyey inay u dagaalami doonaan xuquuqdooda, wuxuuna ka warbixiyey ciidamo ay ku soo bandhigeen Ceel Barde, kuwaas oo uu tilmaamay inay dhisatay beesha, si ay isugu difaacdo, haddii lasoo weeraro.

“Ciidaankaas waxaa u baahan deegaanka, kolka ay Koonfur Galbeed dhibka qul-qulata ay ku heyso degmada Ceel Barde iyo nawaaxigeeda la’arkay ayaa waxaa ka tashaday deegaanka Ummadda deggan, waana ciidan loogu magac daray (Caano ka dhan),”

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan wax wada-hadal ah la geli doonin Koonfur Galbeed, illaa ay arrintooda kasoo fara-gelineyso dowladda federaalka Soomaaliya.