Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo shaac baxay Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha, waxaa aad lo ohadal hayey sababaha ay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Somalia uga gaabinayaan inay wax ka qabtaan Khilaafkaasi.
Odayaasha Dhaqanka oo iyagu dhaqan ahaan ku sidkan Marjaca Bulshadda ayaan la ogeyn waxa ay uga gaabiyeen inay kala dhex galaan Madaxda Is-khilaafsan.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Odayaasha dhowrayeen xalka ay Xildhibaanadda Barlamaanka ka gaaraan khilaafkaasi, laakiin xal-raadintii ayaa kala qeybsanaan baahsan ku riday Xildhibaanadda oo u kala jabay kuwa Madaaxweynaha ku aragti ah iyo kuwa Ra’isul-wasaaraha taabacsan.
Kulamadii Xildhibaanadda ee uu buuqa harreeyey ayaana u muuqata inay Odayaasha Dhaqanka fursad u arkeen inay gurmad ka galaan si loo samatabixiyo Dowladda ay Odayaasha Dhaqanka wax ka soo amaamudeen.
Odayaasha Beelaha Hawiye ayaan haatan u muuqda inay ku soo baxeen buuqaas, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Dhaqanka Beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad ayaana sheegay inay dhexdhexaadinayaan Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha.
Caaqil Xaad ayaa la filayaa inuu horkaco Wafdiga Dhexdhexaadinta, waxayna ka fekerayaan sidii ay hab dhaqan u guda geli lahaayeen Xalinta Khilaafka lagu xalin waayey Siyaasad ahaanta.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan inay Odayaasha Hawiye u gacan haatinayaan dhigooda Beelaha Daarood, oo iyagu aan wax welwel ah ku haynin Khilaafkaasi.
Odayaasha Dhaqanka ee Hawiye waxay ka fekerayaan inaysan si sibiq leh ugu fashilmin Dhexdhexaadintooda, waxayna xeerinayaan isku duubnidda Odayaasha Dhaqanka Soomaliyeed, waxaana la hadal hayaa inay si mideysan oo Odayaasha Dhaqanka Beelaha Somalia ku guda galaan Dhexdhexaadinta.
Waxay si gaar ah ugu wada siman yihiin in loo helo xal waara khilaafkaasi iyo inay noqdaan Badbaadiyaal Qaran.
Ilo hoose ayaa inoo xaqiijiyey inay Odayaasha si kala gaar ah u kala qaabilaan Gacan-yarayaasha Madaxweynahaiyo Ra’isul-wasaaraha iskhilaafsan, si ay ugu gogol xaaraan Kulamo Khaas, kadib, Kulan Guud.
Si loogu guuleysto hadafkaasi ayaa ahayn mid sahlan, waayo Odayaasha waxay doonayaan inay helaan Oggolaansho buuxda si ay u galaan xaajadda.
Xogaha hoose ee Odayaasha Dhaqanka ka ag dhow ayaa sheegayo inay doonayaan in Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha la isku keeno, loo gar qaado, lana dhex dhigo heshiis shuruudaysan, oo ay ka mid yihiin:-
In Ra’isul-wasaaraha loo madax baneeyo Dhismaha Xukuumad cusub oo Midnimo Qaran, iyadoo Wasiiro cusub lagu soo kordhinayo Xukuumadda.
In Wasiiradda loo arko inay Qas-wadayaal yihiin iyo inay ubucda u ahaayeen Khilaafka laga saaro Golaha Xukuumadda Cusub, si ay Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha u noqdaan kuwo isku calool fiyow, oo xalay dhalay oo kale u noqdaan.
Wasiiradda u muuqda inaysan dib ugu soo laaban doonin Xukuumadda ayaa waxaa aad loo hadal hayaa Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir oo isaga loo arko Gacanta Middig ee Madaxweyne Xasan Sheekh.
Galaangal kasta oo ay Odayaasha Dhaqanka ka galaan xaajadaasi ayaan noqon doonin mid ay si fudud uga libin gaaraan, illayn Khilaafka ayaa ah mid looga talagalay in lagu daallo xalkiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]