Beeraleydii Gobolka Sh/Hoose oo qaati ka taagan Ciidamada DF.

Qaar kamid ah shacabka kunool Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay ka cabanayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Maxamed Sheekh Xuseen oo kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanka Warmaxan oo lasoo xiriiray Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameeyeen fal ay ku dhibaateeyeen dad beeraleey ah.Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameeyeen inay weerar ku qaadeen dad beeraleey ah halkaasina ay ka geesteen dhaawac loo geestay dadka beeraleyda ah.

Maxamed Sheekh Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in arintani ay ka dhacday inta udhaxeysa Warmaxan Iyo Wanlaweyne ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayna sameeyeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Waxgaradkaan ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya inay wax ka qabtaan dhibaatada ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku hayaan shacabka Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa dhibaatooyin kala duwan ka geesta Gobalka Shabeelaha Hoose iyadoo maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose aysan jirin cid ka hadashay arintani.