Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo kasoo baxay Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia, ayaa waxaa lagu cadeeyay Mowqifka ay ka qabaan go’aanka kasoo baxay Madasha shirka wadatashiga Qaran ee laba maalin un ka hor kusoo idlaaday magaalada Muqdisho.
Qoraalka ayaa waxaa si wada jir ah ugu saxiixnaa dhinacyada QM, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Ethiopia, Italy, Sweden, Britain iyo Maraykanka.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in Beesha ay si diiran usoo dhaweyneyso go’aanka ay wada qaaten Madaxda DFS iyo kuwa maamulada dalka, kuwaasi oo balan qaaday in marka la gaaro 6da Jun ay soo magacaabaan xubnaha Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban iyo afarta Guddi ee Hirgalinta Doorashada Dadban ee Heerka Dowlad Goboleed, si ay guddiyadaasi hawshooda u billaabaan 10ka Juun.
Qoraalka waxaa sidoo kale, lagu sheegay in Beeshu ay soo dhaweyneyso heshiiskii laga gaaray qaybinta juquraafi ahaan la qaybiyay kuraasta loo qoondeeyay beelaha, waxayna saaxiibada caalamku taageerayaan in la magacaabo guddi sii amba qaada oo darsa maqaamka iyo matalaadda ay Muqdisho ku yeelanayso Baarlamaanka Federaalka ah.
Sidoo kale, Beeshu waxa ay soo dhaweyneysaa adkaynti Madashu adkaysay balanqaadkeedii hore ee ahaa in ayan jiri doonin muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedka loo xaddiday Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Federaalka wixi ka dambeeya Agosto iyo September 2016, waa sida ay iskugu xigaan.
Ugu danbeyntii, waxa ay soo dhaweeyen ansixinti Madashu ansixisay Siyaasadda Amniga Qaran ee Soomaaliya iyo heshiiska lagu gaaray in la dhiso Guddiga Amniga Qaranka sida ku xusan siyaasadda (amniga qaranka).
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

