Gabar wariye ahayd oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho ku dilay gabar wariye aheyd oo u sugneyd magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kooxaha hubeysan ayaa gabadha waxay ku dileen agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana kadibna la sheegay iney ka baxsadeen goobta falka dilka uu ka dhacay.

Haweeneyda wariya ah ayaa ka tirsaneyd TV qaranka Soomaaliya waxaana la sheegay iney aheyd CameroWomen u shaqeyneysay TV, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka la shaqeeyay.

Wariyaha ayaa lagu magacaabayay Sagal Salaad waxaana goobta lagu dilay ciidamada amaanka ay ka bilaabeen baaritaan lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com