DF oo markii ugu horeysay xabsi dhigtay ciidamo ka tirsan Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray dhanka laamaha amaanka DFS, ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay xabsi dhigeen ciidamo ka tirsan AMISOM.

Ciidamada ka tirsan AMISOM oo ay xirtay Dowlada Federaalka ayaa waxaa lagu qabtay iyaga oo iibinaaya agab dhawaan loo keenay ciidamada AMISOM kuwaasi oo laga sii iibinaayay dad rayid ah.

Ciidamada AMISOM ee la xiray ayaa tirro ahaan gaaraya ilaa 5 waxaana sidoo kale lala xiray 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo iyaguna iibinayay qalbka loo keeno ciidanka AMISOM.

Ciidamada AMISOM iyo Tobonka Soomaalida ah ee la xiray ayaa lasoo warinayaa in laga dhexqabtay Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee Agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaani AMISOM oo ay xirtay dowlada ayaa xiliga la qabanaayay iibinaayay sida qalabkooda ciidan, Jawaanada Difaaca, Teleefoono, Sanduuqyada Rasaasta lagu qaato, Shidaal badan iyo Alaabo kale.

Axmed Cali Daahir oo ah Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ee la qabtay iyo dadka la shaqaynayay ay sharciga hortagi doonaan.

Arrintaani ayaa ka danbeysay ka gadaal markii EU-da ay sheegtay in mushaar dhimis ay ku sameyneyso ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com