26.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Beesha caalamka oo cadeysay mowqifka iyo go’aanada kaga aadan is faquuqa madaxdeena

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating oo ku sugan magaalada Addis ababa ayaa ka hadlay Khilaafyada baryahaani ka dhex aloolsanaa Madaxda Dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada Dalka.

Micheal Keating waxa uu cadeeyay in QM aysan mar danbe u dulqaadan doonin in Khilaafka Madaxda Somalia uu noqdo mid taagan, waxa uuna tilmaamay in go’aankooda uu yahay awood ku maquunin, waa haddii ay dhacdo in muran uu ka dhex curto Dowlada iyo Maamulada dalka.

Micheal Keating waxa uu cadeeyay in Madaxda Dowlada Somalia iyo Gobollada ay siyaasad mooden midi midi ku taag, hayeeshee taasi aysan aqbali doonin natiijadeeduna ay noqon doonto caburin iyo cadaadis Siyaasadeed.
”Haddii aan fursado badan siinay waxa ay mooden in QM aysan laheyn mowqif, qorshaheenu waa fursad gaaban iyo cadaadis badan”

Mr Micheal Keating waxa uu sheegay in Qorshaha QM uu yahay in Somalia laga sara qaado halka ay iminka taagan tahay balse caqabadu ay tahay mid ka taagan dhanka maamulada dalka oo caado iyo dhaqanba ka dhigtay inay ka hor imaadaan wax waliba, balse waxa uu farta ku goday in taasi wakhtigeedu dhamaaday.

Dhanka kale, Micheal Keating waxa uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka, si uu yiri meesha looga saaro shakiga iyo is faquuqa taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News