28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Beesha caalamka oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan go’aanka uu Xasan Sheekh uu qaatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa looga jawaabay talaabada Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ansixiyay Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee ay wada gaareen Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada ee dalka ka jira.

Beesha caalamka waxa ay sheegeen inay taageerayaan go’aanka madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraalka lagu taageeraayo go’aanka Madaxweynaha ayaa waxaa ku saxiixnaa QM, Midowga afrika, Urur goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Talyaaniga, Ethiopia, Ingiriiska, Sweden iyo Mareykanka.

Qoraalka ayaa waxaa lagu cadeeyay in xubnaha beesha caalamka ee Somalia ay si buuxda u taageersan yihiin talaabadan uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa sidasi yiri wakiil QM ee Somalia Michael Keating .

Mr. Michael Keating ayaa ku tilmaamay Dikreetada uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya talaabo wanaagsan oo horey loo qaaday iyo mid muhiim u ah Nabad iyo Amniga Gobolka iyo Caalamka.

Talaabada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa sidoo kale lagu micneeyay in meesha ay ka saareyso in wax muddo kororsi ah loo sameeyo Dowladda haatan waqtigeeda sii dhamaanaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xeer madaxweyne ku meel mariyay nidaamka doorashada ee sanadkan kadib markii ay ku adkaatay baarlamaanka Soomaaliya inuu meel mariyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News