Beesha Caalamka oo dalab xasaasi u dirtay R/W Rooble iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka Golaha Shacabka dalka.

Ugu horreyn Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha ee Gola Wada-tashiga Qaran ee 27-ka bishan ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho.

Saaxibada Beesha Caalamka ayaa ku celiyey baaqeeda ku aadan daah-furnaanta doorashada oo ay weli cabasho ka muujinayaan mucaaradka iyo xubnaha xil doonka ah.

“Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada. Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira,” ayaa lagu yiru warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay wakiilada Beesha Caalamka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ka dalbatay Golaha Wada-tashiga Qaran inay soo gaba-gabeeyaan doorashada, iyada oo shaacisay inay taageereyso hannaan kasta oo ku saleysan heshiisyadii la gaaray 17-kii Sebtembar 2020 & 27-dii May 2021, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka ay sida wadajirka u soo sareen xubnaha Beesha Caalamka

Ugu dambeyn Beesha Caalamka ayaa xustay in lagama maarmaan ay tahay in la saxo qaladaadka haatan ka jira doorashada, si loo helo taageerada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaana ku baaqeynaa hirgelinta kor u qaadis lagama maarmaan ah si loo saxo daldaloollada la arkay si loo xaqiijiyo in natiijadu ay heli doonto taageerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka Beesha Caalamka.

Waxaa si wada-jir ah qoraalka u soo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii