Beesha caalamka oo isha ku haysa madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed, waxaa horyaalo shaqooyin adag oo u baahan in si degen loo wajaho, maadaama uu yahay madaxweynaha dalka.

Beesha caalamka waxay eegayaan talaaboyinka uu qaadayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa sida uu ula dhaqmi doono dowladaha Shisheeye ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Waxaa saacadihii ugu dambeeyay socday kulamo isdaba joog ah oo xubnaha beesha caalamka ay la qaadanayeen madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan dhismaha Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa u sheegtay madaxweyne Farmaajo qaabka ay ku wada shaqeyn doonaan, waxaana ugu horeeya wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya oo sheegay in dowladdaha Farmaajo ay caqabado badan horyaalaan.

Waxyaabaha Farmaajo laga sugayo ayaa sidoo kale ah inuu ka dhabeeyo balanqaadkii uu horey u sameeyay oo ku saabsan arimaha ciidamada AMISOM iyo la macaamilka safaaradaha ku dhexyaala Xalane.

Ma wuxuu Farmaajo laso bixi doonaa amaradii uu bixin jiray xiligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen in hayadaha taageera Soomaaliya ay kasoo guuraan Kenya Soomaaliyana ay soo dagaan, taasi oo dhaqan gashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com