Beesha caalamka oo ka hortimid qorshaha gudiga doorashada DF

Muqdisho (Caasimada online) – Xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa waxay kasoo horjeesteen qorshe ay damacsanaayeen gudiga dadban ee doorashooyinka  iyo madax ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ahaa iney waqti kororsi sameeyaan.

Qorshaha socdo ayaa ah in hayadaha dowliga ah ee dalka uu ka yimaado muddo kororsi aan badneyn oo ay dalbanayaan, waxaana qorshahaasi ka hor yimid wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Sida xogta aan ku heleyno xubnaha beesha caalamka ee kusugan magaalada Muqdisho waxay ku adkeysteen in marnaba waqti kordhin aan la sameeyo lana qabtaa doorashada waqtigii horey loogu balamay.

Xogaha kale ee aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in madaxda dowlada Soomaaliya ee wada qorshaha muddo kororsiga in loo diray qoraal markale lagu cadeynayo in marnaba waqti kordhin aysan sameyn karin xubnaha dowlada Soomaaliya.

Kulan dhexmari doona madaxda madashara wadatashiga qaran ayaa waxaa laga soo saarayaa go’aano masiiriya oo ku aadan doorashada sanadkaan dhaceysa.

Beesha Caalamka ayaa horey u cadeysay in marnaba waqti kordhin aan la aqbali doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com